Thursday, 4 June 2020

-Wejigaagu waa buug
-Boqol baal ka badanoo
-Bayj waliba keligii
-Boqolaal qisooyini
-Ku dhex baahsanyiinoo
-Basharkii ku dheehdaa
-Berya kaama tegayee
-Bi,iwaayee caashaqu
-Muxuu booga kugu dhigay?

-Indhahaagu waa buux
-Sida webi bulaalaa
-Beera lagu waraabsha
-Biya aan go,ayn baa
-Kaasoo burqanayoo
-Wado kaa banaystoo
-Boqolaal wadiiqaa
-Dhabankaaga buuxshaye
-Bi,iwaaye caashaqu
-Berya muxuu ku duufsaday?

-Quruxdii bilnaydeey
-Baxsantii wacnaydee
-Dhaayaha basaasaa
-Ku bogsoon jireeneey,
-Burjigaaga lumay baa
-Beerku ila wareegoo
-Boogahan jacaylkee
-Badi kaa dhaqaynbaa
-Bogu ila xanuunee
-Bi,iwaaye caashaqu
-Muxuu baaxad sooriyo
-Meel banaana kugu furay.


-Qosolkaagu waa been
-Runta lagu bud dhigayo
-Meel kugu banaan baad
-Buste saaraysaayoo
-Bini,aadamkaad shoow 
-Kaga baydhaysaayoo
-Balfis bayba kaa tee
-Kaama aha bashaashnimo

-Boqolaalkan sheekiyo
-Bilaahiye jacaylkaba
-Hadaad soo bandhigilayd
-Bilad baad ku helilayd,
-Boqorkii jacaylkee
-Boodhari la oran jiray
-Booska waad ka bixinlayd
-Qaysna waad ka badinlayd.

No comments:

Post a Comment