-Waqtiyohow tirsamayaa
-Ruux tiriig ubaxayaad
-Ka tirtaa samaantoo
-Sabool tuugsanaayaad
-Tunka sare ku qaadaa,
-Nasiibyihow la tebaya
-Abidkii midaan tollan
-Maxaad toosh udartaa,
-----------------------
-Caku talo aduunyooy
-Turxaantaadu badana
-Ruux kugu tukubayaad
-Taag sare ka tuurtaa,
--------------------
Cishqiyohow takoorani
Taash ruux mudnaa baad
Tuu jeclaa ka qaadaa
Midan tebin habeen baad
Guur ugu tusmaysaa,
-Nabsiyohow tukubayaa
-Maxaad taws abuurtaa
-Tacab uu nin leeyahay
-Maxaad taraq ku hurisa.
Follow
👇
Hal-abuur Abdirizak Ahmed-mahed Maansame
No comments:
Post a Comment